Al-shabaab oo dhowr madaafiic ku weerartay saldhigyada AMISOM ee ku yaala deegaanka Ceel-baraf

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceel-baraf ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in Xarakada Al-shabaab ay saakay tiro madaafiic ah ku weerartay saldhigyadda ay ciidamada Burundi ee AMISOM ku leeyihiin deegaankaas.

Madaafiicdaasi oo tiro ahaan gaarayay ilaa 8 madfac ayaa ilaa iyo haatan la ogeyn qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, iyadoona ciidanka AMISOM ay madaafiicdaasi jawaab culus ka bixiyeen.

Dhinaca kale, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Sh/dhexe oo aynu qadka teleefanka kula xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay jiritaanka weerarkaasi madaafiicda ah ee lagu weeraray saldhigyada ciidanka AMISOM ee ku yaala deegaanka Ceel-baraf.

Sidoo kale, waxay mas’uuliyiintaasi inoo sheegeen in ciidanka AMISOM ay madaafiicdaasi jawaab ka bixiyeen, inkastoo ay tilmaameen inaan la ogeyn qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay madaafiicdaas.

Ilaa iyo haatan ma jirto wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidanka AMISOM oo ay kaga hadlayaan madaafiicda saakay aroortii lagu soo weeraray saldhigyadda ay ciidankooda ku leeyihiin deegaanka Ceel-baraf ee gobolka Sh/dhexe.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!