DEG DEG:- Koox hubeysan oo goordhaw degmada Wadajir ku dilay nin farmashi ku lahaa degmadaas

Kooxo hubeysan ayaa goordhaw degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ku dilay Allaha u naxariistee Maxamuud Cabdulle Gacal oo ka tirsanaa dadka ganacsatada ah ee ku sugan degmadaas.

Allaha u naxariistee Maxamuud Cabdulle Gacal ayaa la sheegay in dhowr rasaas lagu dhuftay xilli uu ku dhex sugnaa goob Farmashi ah oo uu ku leeyahay degmada Wadajir.

Kooxihii dilka u geystay marxuumka ayaa islamarkiiba goobta isaga baxsaday, waxaana markii dambe halkaasi soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda qaranka oo goobtaasi baaritaano ka sameeyay.

Ilaa iyo haatan lama oga sababta ka dambeeysay dilka ninkaan ganacsadaha ahaa iyo cida ka dambeysay.

Si kastaba ha ahaatee, dilka ninkaan ganacsadaha ah ayaa kusoo beegmayaa xilli muddo dhowr maalmood kahor halkaasi lagu qabtay labo nin oo la sheegay inay halkaasi ku dileen Oday ka mid ahaa waxgaradka ku nool degmadaas oo lagu magacaabi jiray Hilowle Xaafow Xuseen.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!