C/raxmaan Faroole “Ma jiri doonto cid is-aamineysa hadii dagaalka Gaalkacyo uu sii socdo..” (DHAGEYSO)

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland islamarkaana ka mid ah xildhibaanada Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa si kulul uga hadlay colaada iyo dagaalada ka soconaaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in colaada iyo dagaalka ka taagan magaalada Gaalkacyo ee u dhaxeeya maamulada Galmudug iyo Puntland ay tahay mid nasiib xumo ah islamarkaana loo baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo dagaalkaas.

Wuxuu C/raxmaan Faroole ugu baaqay madaxda Soomaalida, inay isugu yimaadaan magaalada Gaalkacyo, si loo shirka dib u heshiisiinta lagu qabto magaaladaas, loona qaboojiyo xiisadaha colaadeed ee magaaladaasi ka taagan, islamarkaana loo suurto geliyo in doorasho ay ka dhacdo dalka.

“Madaxda soomaalida waxaan ugu baaqayaa inay yimaadaan magaalada Gaalkacyo, oo shirka dib u heshiisiinta meeshaan lagu qabto, hadii la doonayo inay dalka ka dhacdo doorasho, ma jiri doonto cid is-aamineysa hadii dagaalka Gaalkacyo uu sii socdo, balse waxaa layaab leh iyadoo madaxda sare ee dalka ay joogaan oo weli indhaha ka eeganaya dagaalkaan” Sidaas waxaa yiri C/raxmaan Faroole

Dhinaca kale, C/raxmaan Faroole ayaa baaq u diray ciidamada labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug, isagoona ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u joojiyaan dagaalka, islamarkaana laga shaqeeyo nabadda.

“Waxaan sidoo kale baaq u dirayaa ciidamada Puntland iyo Galmudug inay joojiyaan dagaalkaan jini wadka ah, waxaa dagaalka ku dhimanaya waa dad wada dhashay oo wada ehel ah oo ay u badan yihiin dad birimageedo ah” Ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay C/raxmaan Faroole.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray madaxweyhinihii hore ee maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Gaalkacyo ay ka dhaceen dagaalo culus oo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Galmudug, kaas oo geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

error: Content is protected !!