DEG DEG:- C/weli Gaas oo ku dhawaaqay in heshiis rasmi ah laga gaaray colaada Gaalkacyo (DHAGEYSO)

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo daqiiqado kahor shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyadda magaalada Boosaaso ayaa si rasmi ah u shaaciyay in heshiis xabad joojin ah laga gaaray dagaalada iyo colaada ka jirta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating oo maanta gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa halkaasi kulan kula yeeshay madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Gaas, wuxuuna ugu dambeyn ku guuleystay inuu heshiis xabad joojin ah kala dhex dhigo maamulada Puntland iyo Galmudug.

Madaxweyne Gaas oo saxaafadda uga warbixiyay waxa kulankaasi looga wada-hadlay ayaa sheegay in waxyaabaha ugu waaweyn ee looga hadlay kulankaasi ay ka mid ahaayeen sidii loo soo afjari lahaa xaaladda colaadeed ee ka jirta magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Wuxuu madaxweyne Gaas sheegay intii uu kulanka socday ay qadka teleefanka ku wada xiriireen ra’iisul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen, islamarkaana la iska gartay in xabad joojin rasmi ah la sameeyo.

Sidoo kale, madaxweyne Gaas ayaa sheegay in taliyeyaasha labad dhinac amar lagu siiyay inay joojiyaan xabada islamarkaana maalinta jimcaha ee soo socda lagu kulmi doono magaalada Gaalkacyo, si buu yiri looga soo amba-qaado arrimaha heshiisyadii hore loo gaaray.

“Waxaa qadka teleefanka ku xiriirnay ra’iisul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid iyo madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed,  waxaana isla qaadanay in la sameeyo xabad joojin, kadibna maalinta Jimcaha ay madaxda isugu yimaadaan magaalada Gaalkacyo, inta ka horeeysana ay dhacdo xabad joojin rasmi ah, waxaa sidoo kale qadka teleefanka soo galay taliyeyaasha ciidamada labada dhinac, waxaana amar lagu siiyay in xabad joojin la sameeyo, waxaana rajeynayaa in xabad-joojintaasi ay hirgasho” Sidaas waxaa yiri madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas

error: Content is protected !!