Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Gaalkacyo iyo sida ay saakay ku waabariisatay magaaladaas

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay laga helaayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya inay xaaladda magaaladaasi tahay mid aad u degan, inkastoo ay weli jirto xiisad colaadeed oo u dhaxeeysa ciidamada kala taabacsan maamulada Galmudug iyo Puntland.

Ciidamada Galmudug iyo Puntland oo maalintii shalay ku dagaalamay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa waxay dagaalkaasi isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkii shalay ku geeriyootay ku dhawaad 30 qof oo la sheegay inay isugu jiraan dad shacab ah iyo ciidanka labada dhinac ee dagaalamay, iyadoona sidoo kale ay ku dhaawacantay tiro intaasi ka badan.

Dhaq-dhaqaaqa ganacsi iyo isku socodka gaadiidka ee ka jiray magaalada Gaalkacyo ayaa maanta u muuqda mid aad u yar, iyadoo ay jirto cabsi colaadeed oo hareeysay dadka ku nool magaaladaas.

Inta badan dadkii ku noolaa magaalada Gaalkacyo ayaa isaga barakacay guryahooda ku yaalay halkaas, iyagoo u ruqaansaday dhinaca baadiyaha iyo duuleedka magaaladaas.

Dhinaca kale, dagaalkaan ayaa imaanaya xilli dhawaan madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Galmudug ay si wadajir ah usoo saareen war-murtiyeed dib u heshiisiin ah oo dhowr qodob ka kooban, kadib markii ay ku kulmeen magaalada Abuu Dhabi ee dalka Isku-taga Imaaraadka Carabka.

Qodobada ku qornaa war-mutiyeedka ayaa waxaa ka mid ahaa in lakala qaado meelaha ay isku hor-fadhiyaan ciidanka labada dhinac iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo waxyaabaha keenaya xiisadda colaadeed.

Inkastoo qodobada ku qornaa war-murtiyeedkaasi ay haatan u muuqdaan mid fashilmay, ayaa hadane waxaa weli baaqyo isdaba-joog ah ay kasoo baxayaan dowladda federaalka Soomaaliya, beesha caalamka iyo waxgaradka gobolka Mudug, kuwaas oo ay ku baaqaya in la dhaqan geliyo heshiiskaas lagu gaaray dalka Isku-taga Imaaraadka Carabta ah.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!