DEG DEG:- Dagaal xoogan oo dib uga qarxay Gaalkacyo iyo heshiiskii xabad joojinta ahayd oo fashilmay

Wararka haatan naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in galbeedka magaaladaasi uu ka soconaayo dagaal aad u culus oo u dhaxeeya ciidamada maamulada Galmudug iyo Puntland.

Labada dhinac ayaa la sheegayaa inay dagaalka isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana xaafadaha qaarkood ku dhacaaya madaafiicda ay dhinacyadaasi isku weydaarsanayaan

Ilaa iyo haatan lama oga qasaaraha ka dhashay madaafiicdaas, wuxuuna dagaalkaan haatan si xoogan uga soconayaa galbeedka magaalada Gaalkacyo.

Xaafadaha magaalada Gaalkacyo ayaa haatan laga maqalayaa dhawaqa madaafiicda xoogan iyo rasaasta badan oo ay labada dhinac isku adeegsanayaan.

Dhinaca kale, waxgaradka, siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka gobolka Mudug ayaa ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo xiisadaha dagaal, islamarkaana la dhaqan geliyo heshiiskii la gaaray.

Xaaladda magaalada Gaalkacyo ayaa maanta ah mid aad u kacsan, waxaana haatan magaalada laga maqlayaa hubka culus ee daran-dooriga u dhaca iyo rasaas badan oo ay labada dhinac isku adeegsanayaan.

Ma jirto wax hadal ah oo ay saraakiisha ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug kasoo saareen dagaalka haatan ka soconaaya galbeedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dhinaca kale, maalintii shalay ayay ahayd markii Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating uu heshiis xabad joojin ah kala dhex dhigay maamulada Puntland iyo Galmudug, kaas oo haatan u muuqda mid fashilmay.

Wixii kusoo kordha warkaan dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!