Xildhibaanada Aqalka hoose ee maanta lagu doortay magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo (AKHRISO)

Waxaa maanta magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo lagu qabtay doorashada xubnaha Aqalka hoose ee baaralamaanka Soomaaliya, kuwaas oo u kala matali doonno maamul goboleedyada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Jubbaland.

Doorashada xubnaha Aqalka hoose ee Koonfur Galbeed oo ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxaa lagu doortay ilaa 7 xubnood, kuwaas oo qaarkood hore xilal uga soo qabtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Ilaa 51 ergo oo ka kala yimid deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta doortay 7 xubnood oo ka mid noqon doonna baarlamaanka Soomaaliya, iyadoona maalinta berri lagu wado in halka xubin ee harsan la doorto:-

Xubnaha Koonfur Galbeed ee maanta la doortay ayaa waxay kala yihiin sida soo socoto:-

1- Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari
2- Fowsiya Maxamed Sheekh
3- Ibraahim Isaaq Yaroow
4- Daahir Cabdi C/laahi oo loo yaqaano Dr. GO
5- Shariif Maxamed Cabdala
6- C/wahaab Ugaas Khaliif
7- C/qaadir Shariif Xasan

Dhinaca kale, baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ku doortay 7 xubnood ee maamulkaasi u matali doonno Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xubnaha la doortay ayaa 6 ka mid ah waxay ahaayeen xildhibaano hore uga tirsanaa baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya ee waqtigiisa dhamaaday, waxayna xubnahaasi kala yihiin sida soo socoto:-

1- C/rashiid Maxamed Xidig  – Xildhibaan hore
2- C/laahi Yuusuf Alankeey – Xildhibaan hore
3- Xamze Sheekh Xuseen – Xildhibaan hore
4- Maryan Aweys Jaamac  – Xildhibaan hore
5- C/casiis C/laahi Yuusuf – Xildhibaan hore
6- Cismaan Libaax – Xildhibaan hore
7- Luul Cabdi Aadan

Si kastaba oo ay ahaataba, doorashada Aqalka hoose ee maanta ka kala dhacay magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo ayaa noqonayaa tii labaad ee ka dhacda dalka, iyadoona hore magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal lagu qabtay doorashada Aqalka hoose, taas oo lagu doortay 12 xubnood oo haatan ka mid ah baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

error: Content is protected !!