Magacyadda iyo beelaha ay kasoo jeedaan xubnaha cusub ee Hirshabeele u matalaya Aqalka Sare (SAWIRO)

Waxaa caawa lasoo gaba-gabeeyay tirinta codadka doorashada xubnaha maamulka Hirshabeele u matalaya Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Doorashadaan oo ay ku tartamayeen musharixiin badan ayaa waxay xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeele doorteen ilaa 8 xubin oo maamulkaasi u matali doonta Aqalka Sare ee baarlamaanka cusub Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta goobjooga ka ahaa doorashada ayaa waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha baarlamaanka ee maamulka Hirshabeele iyo ku-xigeenadiisa iyo sidoo kale ka guddiyo isugu jira heer feraal iyo heer maamul goboleed oo kor joogto ka ahaa sida ay wax u dhacayeen.

Sidoo kale, waxaa isna goobtaasi ku sugnaa madaxweynaha maamulka Hirshabeele Cali C/laahi Cosoble iyo mas’uuliyiin kale oo aad u badan, iyadoona 8-da xubnood ee la doortay ay isugu jiraan 2 dumar iyo 6 rag.

Maamulka Hirshabeele ayaa noqonaya maamulkii 5-aad ee soo dhameystira doorashada xubnaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Hoos ka aqriso xubnaha Hirshabeele ee Aqalka Sare iyo beelaha ay kasoo jeedaan:-

1. Cismaan Maxamed Macow – Wuxuu u dhashay beesha Gugundhabe/Jajeele

2. Prof. Cismaan Maxamuud Dufle – Wuxuu u dhashay beesha Ujaajeen

3. Muuse Suudi Yalaxoow – Wuxuu u dhashay beesha Abgaal/Wacbuudhan

4. Maxamed Xuseen Raage – Wuxuu u dhashay beesha Xawaadle

5. Maxamed Cismaan Faarax (Dhagajuun) – Wuxuu u dhashay beesha Xawaadle

6. Maxamed Amiin Sheekh Cismaan – Wuxuu u dhashay beesha Abgaal/Harti Abgaal

7. Fartuun C/qaadir Faarax (Karaama) – Waxay u dhalatay beesha Jareer Seddax Cumaroow

8. Naciima Ibraahim Yuusuf – Waxay u dhalatay beesha Gaaljecel/Caloofi

hirshabeele-aqalka-sare-1 hirshabeele-aqalka-sare-2 hirshabeele-aqalka-sare-3 hirshabeele-aqalka-sare-4

error: Content is protected !!