Maamulka Ahlu-sunna oo maanta duuleedka Guriceel ku qisaasay nin hore dil uga geystay halkaas

Wararka naga soo gaaraya magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee halkaasi ka taliya ay maanta duuleedka magaaladaasi ku toogteen nin hore halkaasi dil uga geystay.

Ninkaasi dilka lagu fuliyay ayaa sida la sheegay lagu magacaabi jiray Maxamuud Naasir Duceey, waxaana lagu soo eedeeyay inuu horay nin kale dil u geystay.

Fagaare ku yaala duuleedka Guriceel ayaa maanta lagu qisaasay ninkaasi, iyadoona goobta uu dilka ka dhacay ay isugu soo baxeen dadweyne aad u badan oo goobtaasi usoo daawasho tagay.

Mid ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee magaalada Guriceel oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ninka maanta la qisaasay uu hore fal dil ah uga geystay halkaasi.

Wuxuuna mas’uulkaan tilmaamay in qofkii qof kale ku dila deegaanada uu ka taliyo maamulka Ahlu-sunna Waljameeca sidaan oo kale ay dil ugu fulin doonaan.

Ma ahan markii ugu horeeysay uu maamulka Ahlu-sunna Waljameeca dil ugu fuliyo qof lagu soo eedeeyay inuu hore dil uga geystay deegaanada ay iyaga gacanta ku haayaan.

error: Content is protected !!