Dagaal muddo saacado ah socday oo galabta ilaa caawa ka dhacay gobolka Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta dagaal aad u culus uu halkaasi ku dhexmaray laba maleeyshiyo beeleed oo degga deegaano hoos-yimaada gobolkaas.

Dagaalkaasi oo dhacay gelinkii dambe ee maanta ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay inta inta u dhaxeeysa degmooyinka Xeraale iyo Balanbale oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku geeriyootay ilaa 8 qof halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacantay.

Dagaalkaasi ayaa la sheegayaa inay labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Ma jirto wax war ah oo kasoo kala baxay saraakiisha labada dhinac, iyadoona xaaladda goobtii lagu dagaalay weli laga maqlayo rasaas goos-goos ah.

Sidoo kale, lama oga waxa uu dagaalkaasi salka ku haayo, waxaana inta badan dagaalada u dhaxeeya maleeyshiyo beeleedyadda ay geystaan qasaare lixaad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!