Madaxweyne C/weli Gaas iyo C/kariin Guuleed oo maanta ku kulmi doonno magaalada Gaalkacyo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta ay halkaasi kusoo wajahan yihiin madaxweyneyaasha maamulada Puntland iyo Galmudug.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa la sheegayaa inay kulan ku yeelan doonaan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Kulankoodii ayaa noqon doonna mid ku saabsan xal ka gaaridda dagaalada iyo colaada ka taagan magaalada Gaalkacyo, halkaas oo mudooyinkii ugu dambeysay ay ku dagaalamayeen ciidamada Galmudug iyo Puntland.

Waxaa daqiiqado kahor garoonka magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ka dhoofay wafdi uu hogaaminaayo madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, kuwaas oo sida la sheegay ku wajahan magaalada Gaalkacyo.

Wafdiga madaxweyne Guuleed ayaa markii ay gaaraan garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo waxay halkaasi kula kulmi doonaan madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Gaas, Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating iyo sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Labadaasi mas’uul ee Puntland iyo Galmudug ayaa maanta xal kama dambeys ah ka gaari doonna xiisadaha colaadeed oo mudadda labada bilood ah ka taagneed magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, taas oo u dhaxeeysa maamulada Galmdug iyo Puntland.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!