Doorashada xildhibaanada Jubbaland ee Aqalka hoose oo wejigeedii afaraad lasoo gaba-gabeeyay (AKHRISO)

Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose lagu soo gaba-gabeeyay wejigii 4-aad ee doorashada xildhibaanada Jubbaland u matalaya Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashadaasi oo ay u tartamayeen musharixiin badan ayaa maanta waxaa lagu doortay 5 xildhibaan oo ka mid ah xildhibaanada Jubbaland u matalaya Aqalka hoose ee Baarlamaanka,waxayna kala yihiin sida soo socoto:-

  1. Aadan Isaaq Cali – Wuxuu helay 40 cod
  2. Maxamed Xasan Idiris – Wuxuu helay 28 cod
  3. Maxamed Aaden Macalim – Wuxuu helay 29 cod
  4. Xaawo Maxamed Aadan – Waxay heshay 38 cod
  5. Maxamed Cabdi Gaandi – wuxuu helay 50 cod

Dhinaca kale, maalmaha soo socdo ayaa la filayaa in la galo wejiga 5- oo lagu dhameystiri doono xildhibaanada weli harsan ee Jubbaland u matalaya Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.

error: Content is protected !!