Magaalooyinka Garoowe, Cadaado iyo Baydhabo oo ay ka socoto doorashada xubnihii ka haray Aqalka hoose

Wararka saakay naga soo gaaraya magaalooyinka Garoowe, Cadaado iyo Baydhabo ayaa sheegaya in maanta ay magaalooyinkaasi dib uga bilawdeen wajigii labaad ee doorashada xildhibaanada maamuladaasi u matalaya Aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Doorashada haatan ka socota magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa la sheegayaa inay si toos uga socoto xarumaha jaamacadaha bariga Afrika iyo PSU ee magaaladda Garoowe, waxaana lagu tartamaya 7 kursi, oo labo ka mid ah ay ku tartamayaan haween kaliya.

Waxaa musharixiinta ku tartamaya wajiga labaad ee doorashada xubnaha Puntland u matalaya Aqalka hoose ka mid ah wasiirka xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa ee dowladda federaalka Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid, oo la tartamaya nin dhalinyaro oo lagu magacaabo Maxamuud Raage Maxamed.

Dhinaca kale, waxaa sidoo kale maanta magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud Galmudug ka socdo doorashada xildhibaanada Galmudug u matalaya Aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Doorashadaan oo soo bilaabatay maalintii khamiistii ahayd ee lasoo dhaafay ayaa maanta markale waxaa lagu dooranayaa xubnaha Galmudug ka harsan Aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa si la mid ah sida Garoowe iyo Cadaado waxaa la filayaa in saacadaha soo socdo ay halkaasi ka bilaabato doorashada xubnaha Koonfur Galbeed uga mid noqonaya Aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Dhowr jeer oo hore ayaa dib u dhac ku yimid doorashada xubnaha Koonfur Galbeed ee u matalaya Aqalka hoose, inkastoo maanta lagu rajo weyn yahay inay bilaabato.

Gelinka dambe ee maanta ayaa la filayaa inay dhamaan doorashooyinkaasi soo gaba-gaboobaan, waxaana ammaanka goobaha ay doorashooyinkaasi ka dhacayaan yihiin kuwa si weyn loo adkeeyay.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah 

error: Content is protected !!