Ciidanka nabad-sugidda oo xabsiga dhigay mid ka mid ah wasiirada Galmudug iyo seddax ka mid ah ilaaladiisa

Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada nabad-sugidda ay maanta xabsiga dhigeen wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska ee maamulka Galmudug Maxamed Maxamuud Guure iyo seddax ka mid ah ilaaladiisa.

Wasiirka ayaa sida la sheegay la xiray kadib markii ilaaladiisu ay rasaaseeyeen xarunta ay haatan ka socoto doorashada xildhibaanada Galmudug u matalaya Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.

Warar hoose aynu heleyno ayaa inoo sheegaya in wasiirka uu doonayay inuu kaxeeysto nin nabaddoon ah oo ay isku heyb yihiin, kadib markii uu ka saaray liiska musharaxnimadiisa uu ku jiray xubnaha u tartamaayay Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.

Taliyaha hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka C/laahi Gaafoow Maxamuud ayaa la sheegayaa inuu xariga wasiirkaasi ka dambeeyay, isagoona doonaya inuu booskiisa geliyo nin ay walaalo yihiin oo lagu magacaabo C/qaadir Gaafoow Maxamuud.

Ilaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay madaxda maamulka Galmudug, oo ay kaga hadlayaan xariga lagula kacay wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska ee maamulkaaasi Maxamed Maxamuud Guure iyo seddax ka mid ah ilaaladiisa.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladda xarunta ay haatan doorashada ka socoto ee degmada Cadaado ayaa ah mid degan, waxaana lagu guuleystay in gacanta lagu dhigo ciidamadii uu watay wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska ee maamulka Galmudug Maxamed Maxamuud Guure oo haatan xabsiga la dhigay.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!