Puntland oo si cad uga soo horjeesatay qorshaha cusub uu la yimid Prof. Jawaari

War-murtiyeed kasoo baxay madaxtooyadda Puntland ayaa looga hadlay go’aankii kasoo baxay gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, kaas oo ahaa mid uu ku magacaabay seddax xubnood oo Aqalka sare ee baarlamaanka ka mid noqonaya.

Waxaa sidoo kale war-murtiyeedka lagu sheegay in hadii aan laga fiirsan, islamarkaana aan wax laga qaban qorshaha cusub ee uu la yimid gudoomiyiha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Prof. Jawaari inay Puntland u arkeeyso arrinkaasi bur-burin loogu tala galay doorashooyinka dadbadn ee 2016-ka.

Hadaba nuqul ka mid ah war-murtiyeedka oo soo gaaray warbaahinta Bulshoweyn ayaa u qornaa sida hoos ku xusan:-

War-murtiyeed loogu jawaabayo Prof. Jawaari

error: Content is protected !!