Wasiirada Arrimaha dibadda ee Midowga Yurub oo kulan xasaasi ah ka yeeshay guusha Donald Trump

Wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ayaa habeenkii xalay kulan albaabada u xiran oo casho ah isugu yimid magaalada Brussels ee dalka Biljamka, wuxuuna kulankaasi ahaa mid looga hadlaayay guushii Donald Trump ee doorashadii madaxweynaha dalka Mareykanka.

Kulankaasi ayaa sida la sheegay diiradda lagu saarayey qaabka uu noqon doono xiriirka ganacsi iyo siyaasadeed ee ka dhaxeeya dalalka Midowga Yurub iyo Mareykanka, maadaama in badan oo ka mid ah dalalkaasi ay horey u cambaareeyeen hadaladii uu Donald Trump adeegsanayay intuu ku jiray ololihiisa doorashada.

Inkastoo natiijadda kulankaasi aan weli loo shaacinin saxaafadda ayaa hadane warar hordhac ah oo laga helaayo kulankaasi ayaa sheegaya in wasiiradaasi ay uga tashanayeen habka ay u abaarayaan hadii Donald Trump ku dhaqaaqo is-bedalada uu horey u balan qaaday oo ay kamid tahay, xakameynta ganacsiga xurta ah iyo weliba siyaasadiisa ku aadan inuu iskaashi la sameeyo dalka Ruushka oo xilligaan loolan kula jira Midowga Yurub.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Britain Boris Johnson ayaa la sheegayaa inuusan kulankan kasoo qeyb gelin, kadib markii uu qaadacay ka qeyb-galka kulankaas, wuxuuna ku baaqay in madaxda Midowga Yurub iska daayaan cambaareynta joogtada ah oo ay u jeedinayaan madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump.

error: Content is protected !!