Diyaarada Air Djibouti oo si rasmi ah duulimaadyadda uga bilawday dalka Soomaaliya

Waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho soo caga-dhigatay duulimaadkii ugu horeeyey ee diyaarad ay leedahay shirkadda Air Djibouti oo muddo 25 sano kahor ugu dambeysay.

Munaasabad ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayna kasoo qeyb-galeen mas’uuliyiin ka kala tirsan dowladda Soomaaliya iyo shirkadda diyaarada Djibouti ayaa lagu soo bandhigay jadwalka cusub ee duulimaadeed oo ay diyaaraddaas ku kala tagi doonto magaalooyinka Muqdisho iyo Djibouti.

Mas’uuliyiinta shirkadda diyaaradaas oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin inay duulimaadyada rakaabka ah ka bilaabaan magaalada Muqdisho, waxayna sheegeen in isbuuciiba dhowr jeer ay diyaaradaasi imaan doonto magaalada.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah dadkii la socday diyaaradaasi oo warbaahinta kula hadlay garoonka ayaa sheegay inay aad ula riyaaqeen adeega diyaarada Air Djibouti, iyadoo sida la ogsoon yahay diyaarada Air Djibouti ay ka mid tahay diyaaradaha ugu caansan qaaradda Afrika, islamarkaana xiriir fiican la leh garoomada ku yaala caalamka.

error: Content is protected !!