DEG DEG:- Weerar bambaano oo goordhaw lagu qaaday guri ku yaala degmada X/jajab ee Muqdisho

Waxaa daqiiqado kahor weerar bambaano ah lagu qaaday guri ku yaala degmada X/jajab ee  magaalada Muqdisho, halkaasi oo la sheegay inay ku sugnaayeen koox dhalinyaro ah.

Bamkaas oo ilaa iyo haatan la ogeyn cidda sida rasmiga ah uga dambeysay ayaa la sheegayaa inay ku dhaawacmeen ilaa seddax qof oo ka mid ahaa dhalinyaradii ku sugnayd guriga.

Ruuxii bamka ku tuuray gurigaasi ayaa la sheegayaa inuu islamarkiiba goobta isaga baxsaday.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa nabad-sugidda qaranka ayaa markii dambe soo gaaray guriga Bamka lagu tuuray, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen baaritaano, inkastoo aysan ku guuleysan inay gacanta kusoo dhigaan ruuxii bamka ku tuuray gurigaas.

Ilaa iyo haatan ma jiro wax faah faahin intaas dheer oo laga helaayo weerarkaan bambaano ee goordhaw lagu qaaday guri ku yaala degmada X/jajab ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale ma jirto mas’uul ka tirsan maamulka degmadaasi oo ka hadlay weerarkaasi bamka ah.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco wararkeena dambe Insha Allaah

error: Content is protected !!