Faah faahin:- Dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsanayo oo weli ka socda Caabudwaaq

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa dagaal beeleed oo maanta magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ku dhex maray laba maleeyshiyo oo degan gobolkaas.

Dagaalka oo haatan weli si goos goos ah u soconaaya ayaa sida la sheegay u dhaxeeya labo maleeyshiyo beeleed oo in muddo ah dagaalkoodu soo noq-noqday.

Dadka ku sugan magaalada Caabudwaaq ayaa waxay sheegayaan in dagaalkaasi uu salka ku haayo aanooyin qabiil oo u dhaxeeysa labadaasi maleeshiyo beeleed, taas oo in muddo ah halkaasi ka jirtay.

Maamulka magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa haatan wadda dadaalo ay ku dhex-dhexaadinayaan labada beelood oo ay dirirtu u dhaxeeyso.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku geeriyooday 5 askari oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay, iyadoona tiro intaasi ka badan oo ay dad shacab ah ku jiraan ay ku dhaawacantay, waxaana laga cabsi qabaa inuu qasaaraha intaasi kasii kordho, maadaama uu weli dagaalka socdo.

Dhinaca kale, dagaalka maanta dib uga qarxay magaalada Caabudwaaq ayaa yimid kadib markii habeenkii xalay magaaladaasi lagu dilay nin dhalinyaro ah oo u dhashay mid ka mid ah labadaasi beelood, taas oo ugu dambeyn keentay in labada dhinac ay maanta halkaasi isku fara-saaraan.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!