Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo wareegto uusoo saaray ku magacaabay guddi baaritaan sameeya

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne-ku-xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey) ayaa lagu magacaabay guddi baaritaan ku sameyn doona dhacdadii bishaan 14-keedii lagu xiray wasiirka howlaha guud iyo guriyeynta ee maamulkaasi,Maxamed Maxamuud Guure.

Wasiirkaas iyo ilaaladiisa ayaa la sheegay in la xiray, kadib, markii lagu eedeeyey inay rasaas ku fureen goobta ay ka socotay doorashadda xubnaha Galmudug u matalaya Aqalka hoose ee  baarlamaanka Soomaaliya, iyadoona eedeymahaasi dhan uu markii dambe wasiirka beeniyay.

Hadaba nuqul ka mid ah wareegtada oo soo gaartay warbaahinta Bulshoweyn ayaa u qornayd sida hoos ku xusan:-

wareego-c

error: Content is protected !!