Magacyada xildhibaanada Hirshabeele ee Aqalka hoose baarlamaanka oo maanta lagu doortay Jowhar

Waxaa maanta markii ugu horeeysay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe lagu doortay ilaa 5 xildhibaan oo maamulka Hirshabeele uga mid noqonaya Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo markiisi hore ahaa in la doorto 13 xubnood.

Qaar ka mid ah xildhibaanada maanta la doortay ayaa la sheegayaa inay xiriir dhaw la leeyihiin madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud.

Xubnaha maanta la doortay ayaa ka mid ah siyaasiyiin hore xilal kala duwan uga soo qabtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Ergada maamulka Hirshabeele ayaa laga sugayaa inay soo doortaan ilaa 37 xildhibaan oo uga mid noqonaya Aqalka hoose ee baarlaamaka Soomaaliya.

Hoos ka aqriso liiska xildhibaanada Hirshabeele ee lagu doortay Jowhar: 

– Khadiijo Maxamed Diiriye

– Maxamed Xasan Ibraahim Qoono

– C/risaaq Cumar Maxamed

– Faarax Sheekh C/qaadir

– C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe

error: Content is protected !!