Qarax ka dhacay magaalada Kismaayo iyo dad shacab ah oo waxyeelo xoogan kasoo gaartay

Wararka laga helaayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa sheegaya in saakay uu halkaasi ka dhacay qarax weyn oo geystay dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxaasi ayaa la sheegayaa in lala beegsaday goob maqaayad ah oo ku taala magaalada Kismaayo, islamarkaana ay ku sugnaayeen dad badan oo halkaasi ka cunteynayay.

Wariye ku sugan goobta uu qaraxa ka dhacay oo aynu qadka teleefanka kula xiriirnay ayaa inoo sheegay inuu qaraxu ahaa miino lagu aaskay afka hore ee maqaayadda, islamarkaana uu dhacay xilli ay ku sugnaayeen dad badan raashiin ka cunteynayay.

Waxaa qaraxaasi la sheegay inuu ku geeriyooday 1 qof iyadoona 3 kale ay ku dhaawacantay, sida uu inoo xaqiijiyay wariyaha ku sugan magaalada Kismaayo.

Ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda maamulka Jubbaland ayaa qaraxa kadib goobtaasi soo gaaray, waxayna halkaasi ka sameeyeen baaritaano iyagoona sidoo kale goobta ka qaaday dadkii qaraxa ku dhaawacmay.

Mudooyinkii ugu dambeysay magaalada Kismaayo ayaa la ciir-ciireysay dadkii ugu badnaa, xilli ay halkaasi ka socdaan doorashada xubnaha Jubbaland matalaya Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.

Si kastaba oo ay ahaataba, inta badan qaraxyadda ceynkaan oo kale ayaa waxaa sheegta Al-shabaab, inkastoo ilaa iyo haatan aysan wax war ah kasoo saarin qaraxaan.

error: Content is protected !!