Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug oo weli kulamo u socdo iyo baaqyo culus oo loo jeedinaayo

Iyadoo maalintii shalay ay dib u bilawdeen wadahadaladii u dhaxeeyay madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug, islamarkaana ay kaga hadlayaan hirgelinta heshiiska xabad joojinta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa hadane waxaa weli soo baxaaya baaqyo is-daba joog ah oo loo jeedinaayo labadaasi dhinac.

Wadahadalada labada dhinac ayaa sida la sheegay waxaa goobjoog ka ah ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating iyo wakiilo kale ee ka socday beesha caalamka.

Labada dhinac ayaa lagala hadlayaa inay ka fogaadaan waxyaabaha asalka u ah colaadda Gaalkacyo, iyo habkii lagu heli lahaa nabad waarta, iyadoona kulamada labada dhinac ay haatan u soconayaan si wanaagsan.

Dhinaca kale, guddi wadajir ah oo ka kooban 18 xubnood islamarkaana labada dhinac ka wada tirsan ayaa dhawaan la magacaabay, si ay ula socdaan hirgelinta xabad joojinta ee magaalada Gaalkacyo.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa ku baaqay in labada ciidan la kala qaado iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu hirgeliyo xabad joojinta labada dhinac.

Sidoo kale, Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa baaq u diray maamulada Puntland iyo Galmudug, isagoona ugu baaqay inay soo afjaraan wadahadalada islamarkaana la dhaqan geliyo qodobada lagu heshiiyay.

“Xalinta colaadda Gaalkacyo waxaa aas-aas u ah hanaanka xabad joojinta iyo kala qaadida labada ciidan, hadaba ma jirto cid wax ku dheefeyso in dagaal dib u bilawdo, shacabka ku nool magaalda Gaalkacyo, dadka ku nool degaanada deriska ah, dadka barakacayaasha ah, caruurta iyo ganacsatada intuba waxaa soo gaaraya dhibaato dheeraad ah” Sidaasi waxaa yiri Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating

Ugu dambeyntii, Michael Keating ayaa sheegay in cidda kaliya ee ka macaasheysa colaadda Gaalkacyo ay yihiin dad qaswadayaal ah islamarkaana labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug looga baahan yahay in si daacadnimo ku jirto u dhaqan geliyaan xabad joojinta.

Ilaa iyo haatan lama oga sida uu xaalka ku dambeyn doono, waxaana weli soconaya wadahadalada u dhaxeeya madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Galmudug C/weli Gaas iyo C/kariin Xuseen Guuleed.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!