Ciidankii isku hor-fadhiyay maamulada Galmudug iyo Puntland oo lakala qaaday (SAWIRO)

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta lakala qaaday ciidankii isku hor-fadhiyay ee maamulada Galmudug iyo Puntland.

Ciidamadaasi oo in muddo ah isku hor-fadhiyay galbeedka magaalada Gaalkacyo ayaa ugu dambeyn lagu guuleystay in maanta lakala qaado, waxaana arrintaasi dadaal dheeraad ah u galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxda labada dhinac kadib kulamo kala duwan oo ay halkaasi ku yeesheen.

Kulanka ay mas’uuliyiintaasi ku yeesheen galbeedka Gaalkacyo ayaa ahaa mid looga hadlayay sidii loo dedejin lahaa kala qaadista ciidamada labada dhinac oo waxyaabaha dhawaan lagu heshiiyay ugu muhiimsanaa.

Sidoo kale waxaa maalmaha soo socdo la filayaa in dadkii ka barakacay magaalada Gaalkacyo ay dib ugu soo laabtaan guryahooda, waxayna mas’uuliyiintaasi isku wada raaceen in calaamad loo sameeyo labada ciidan ee gelinka dambe maanta lakala qaaday, si uusan markale dagaal uga dhicin magaaladaas.

kala-qaadid-ciidan-puntland-galmudug kala-qaadid-ciidan-puntland-galmudug-1 kala-qaadid-ciidan-puntland-galmudug-2 kala-qaadid-ciidan-puntland-galmudug-3 kala-qaadid-ciidan-puntland-galmudug-4 kala-qaadid-ciidan-puntland-galmudug-5 kala-qaadid-ciidan-puntland-galmudug-6 kala-qaadid-ciidan-puntland-galmudug-7 kala-qaadid-ciidan-puntland-galmudug-8 kala-qaadid-ciidan-puntland-galmudug-9 kala-qaadid-ciidan-puntland-galmudug-10 kala-qaadid-ciidan-puntland-galmudug-11 kala-qaadid-ciidan-puntland-galmudug-12 kala-qaadid-ciidan-puntland-galmudug-13

error: Content is protected !!