Kulamo kala duwan oo ka dhacay magaalada Garoowe iyo amaro culus oo kulankaasi kasoo baxay

Kulan balaaran oo ka dhacay xarunta baarlamaanka maamulka Puntland ee magaalada Garoowe ayaa looga hadlay arrimaha ku saabsan abaaraha ka taagan deegaanada Puntland, waxaana mas’uuliyiinta kulankaasi ka qeyb-gashay ka mid ahaa madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland Eng. C/xakiin C/laahi Cameey.

Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa kasoo qeyb-galay hay’adaha caalamiga ah ee ka howlgala deegaanada Puntland, xubno ka tirsan golayaasha dowladda, isimo, culimaa’udiin iyo guddiga gurmadka abaaraha ee Puntland.

Gudoomiyaha golaha wakiilada Puntland Axmed Cali Xaashi oo furay shirkaasi ayaa marka hore ka hadlay xaalada abaareed ee ka jirta Puntland, ayaa sheegay inay dhawaan u yeeri doonaan madaxweynaha maamulkaasi C/weli Maxamed Cali Gaas kadiba ay su’aalo ka weydiin doonaan xaalada abaaraha Puntland.

Sidoo kale, madaxweyne ku-xigeenka Puntland C/xakiin Cumar Camay oo isna ka hadlay abaarta ka jirta deegaanada Puntland iyo saameynta ay ku yeelatay dadka, xoolaha iyo deegaankaba, ayaa ku baaqay in la iska kaashado sidii dadka loo gaarsiin lahaa gurmad.

Wuxuu Eng. Cameey baaq u diray hay’addaha caalamiga ah inay ka qeyb-qaataan gurmadka lagu gaarsiinayo dadka ay abaaraha ku dhufteen deegaanada Puntland.

Dhinaca kale, wasiirka arimaha gudaha iyo horumarinta reer miyiga ee maamulka Puntland Axmed Karaash ayaa hay’adaha samafalka ku dhaliilay doorkooda gurmadka ay ka qaateen abaaraha, waxaana uu sheegay in waxqabadka hay’aduhu ku egyahay in su’aalo ay weydiiyaan hay’adaha dowliga ah oo qura dibna aysan dib ugu soo laaban.

error: Content is protected !!