Xasan Sheekh Maxamuud oo ku dhawaaqay in Muqdisho lagu qabanaayo shirweyne qaran

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeeysay ku dhawaaqay in dhawaan magaalada Muqdisho lagu qaban doono shirweyne loogu magac daray Talo Qaran.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in shirkaan uu yahay mid lagu qaabeeynayo talooyinka Soomaaliyeed ee dalka iyo dibadaba laga soo ururiyay, islamarkaana howalaha dowladda cusub ee 2016 ilaa 2020 laga sugaayo oo ay dadka Soomaaliyeed ku talo bixiyeen.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in shirkaan Soomaalida uu muhim u yahay islamarkaana sida ugu dhaqsiyaha badan uu kaga dhacaayo magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirkaan ku macneeyay mid lagu gorfeyn doono sida loola jaan qaadi karo dowlada cusub ee dhawaan la filaayo in dalka uu yeesho.

error: Content is protected !!