Abaartii ugu xumeyd abid oo haatan ka jirta deegaano ku yaala gobolka Karkaar (DAAWO VIDEO)

Waxaa haatan xaalad abaareed tii ugu xumeyd abid ay ka jirtaa deegaanada ku yaala gobolka Karkaar, halkaas oo muddo seddax sano ah aanay wax roob ah ka da’in, marka laga reebo roob aan sidaas u badneyn oo ka da’ay meelo yar oo kamid ah deegaanada Puntland.

Abaaraha ka jira deegaanada hoos-yimaada gobolka Karkaar ayaa la sheegayaa inay mareeyso meeshii ugu xumeyd abid, waxaana abaarahaasi ku dhamaatay xoolihii ay dhaqanayeen dadka reer miyiga ah oo ku sugan deegaanadaasi.

Weli ma jiraan wax gar-gaar ah oo weli la gaarsiiyay dadka ku nool deegaanada gobolka Karkaar, iyadoona dadkaasi ay baaqyo kala duwan kasoo saareen in sida ugu dhaqsiyaha badan gar-gaar lala soo gaaro.

Daawo barnaamij aad u murugo leh oo laga diyaariyay abaarta ka jirta Karkaar:

error: Content is protected !!