DEG DEG:- Magacyada iyo qabiilada ay u dhasheen xildhibaanada Aqalka hoose ee lagu doortay Cadaado

Waxaa goordhaw magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud lagu soo gaba-gabeebay doorashada 4-ta xildhibaan ee deegaanada Galmudug u matalaya baarlamaanka cusub ee federaalka Soomaaliya.

Afartaas xildhibaan ee la doortay ayaa 3 ka mid ah waxay yihiin dumar halka qofka kalena uu yahay rag.

Musharixiinta ku tartameeysay doorashada maanta ayaa gaarayay ilaa 9 musharax, waxaana goobta soo xaadirin wasiirada haweenka Sahra Maxamed Cali Samatar oo ka mid aheyd musharixiinta la tartameeysay Yuusuf Xeyle Jimcaale.

Lama oga sababta ay Sahra Maxamed Cali Samatar u imaan weysay goobta ay doorashadau ka socoto.

Halkaan ka Aqriso magacyada iyo qabiilada xildhibaanada maanta Cadaado lagu doortay

1- Maryan Cariif Qaasim (Murusade/Cabdalla/Sabti)
2- Naciima Maxamed Gacal (Murusade/Foor Culus/Daguuro)
3- Yuusuf Xeyle Jimcaale  (Tumaal)
4- Maryan Xaaji Cabdi Geedi (Wacdaan)

Xildhibaanada cusub ee kala ah Maryan Cariif Qaasim iyo Naciima Maxamed Gacal ayaa hore uga mid ahaa baarlamaankii federaalka Soomaaliya ee haatan xilkiisa dhamaaday, iyagoo labadoodaba ay markale nasiib u yeesheen inay kusoo laabtaan kursiga xildhibaanimo ee beelahooda u matalaya baarlamaanka.

Dhinaca kale, maalinta berri ayaa lagu wadaa in dib loo bilaabo qeybta kale ee xildhibaanada Galmudug u matalaya Aqalka hoose lagu doorto magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

error: Content is protected !!