Is rasaaseyn xalay ka dhacday Jowhar iyo wiil uu dhalay madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeele oo dhaawacmay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in israsaaseyn muddo kooban socotay uu habeenkii xalay dhexmaray ciidanka ilaalada ka aheyd xarunta ay ka socoto doorashada xubnaha Hirshabeele u matalaya Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya iyo ciidamo uu watay wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga ee xukumada federaalka Soomaaliya Maxamed Xasan Nuux.

Israsaaseyntaasi ayaa intii ay socotay waxaa hakad galay dhamaan howlihii ka socday halkaasi, waxaana sida la xaqiijiyay ku dhaawacantay ilaa 6 qof oo mid kamid ah uu ahaa wiil arday ah oo uu dhalay madaxweyne ku-xigeenka maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe.

Dhaawaca wiilka ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii rasaas wiifto ah ay ugu tagtay guri uu ka deganyahay magaalada Jowhar, kaas oo ku yaala meel aan sidaas uga fogeyn goobta uu iska horimaadku ka dhacay, waxaana markii dambe la dhigay isbitaalka.

Dhinaca kale, israsaaseyntaan ayaa sida la sheegay yimid kadib markii uu muran ka dhashay kursi ay ku tartamayeen wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga ee xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xasan Nuux iyo musharax la tartamayay oo lagu magacaabo Axmed Sheekh Nuur Foodcadde.

Ugu dambeyntii, labadaan musharax ayaa sida la sheegay isku heysta kursi ka mid ah kuraasta beesha Gugundhabe ay ku leedahay xubnaha Hirshabeele ee Aqalka hoose baarlamaanka Soomaaliya, waxaana maanta la filayaa in murankaas xal laga gaaro.

error: Content is protected !!