Magacyada iyo beelaha ay kasoo jeedaan musharixiinta Galmudug ee maanta u tartameeysa Aqalka hoose

Wararka naga soo gaaraya magalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in goordhaw ay halkaasi ka bilaabatay qeybta kale ee doorashada xubnaha Galmudug u matalaya Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashada maanta ayaa la sheegayaa in ilaa 9 musharax oo ay ku tartamayaan ilaa 4 xildhibaan oo ka mid noqon doonna xubanaha Galmudug ee Aqalka hoose baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga doorashada ayaa goordhaw shaaciyay in maanta loo tartami doono oo kaliya ilaa afar kursi oo ay ku tartami doonaan musharixiin gaaraya ilaa ilaa sagaal musharax oo 8 ka mid ah ay yihiin haween.

Haweenkaaasi ayaa la sheegayaa inay ku tartami doonaan seddax ka mid ah afarta kursi ee saaka lagu dooran doonno doorashada Aqalka hoose ee haatan ka bilaabatay magaalada Cadaado.

Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn sababta rasmiga oo looga yareeyay tirada la qorsheeynayay in doorashada maanta ku tartamayaan ayaa hadane guddiga doorashada ee Galmudug waxa uu soo saaray qoraal ay ku qoran yihiin musharixiinta Galmudug ee maanta ku tartameeysa doorashada Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya

Musharaxiinta Galmudug ku loolameysa afarta kursi ee Aqalka hoose iyo beelaha ay kasoo jeedaan:-

Kursiga Koowaad waxaa ku tartamaya beesha Tumaal, waxayna kala yihiin:-

– Yuusuf Xeyle Jimcaale
– Khadiijo Xaashi Gacal
– Sahra Maxamed Cali Samatar

Kursiga Labaad waxaa ku tartamaya beesha Murudsade/Fool-culus/Daguuro, waxayna kala yihiin:-

– Naciima Maxamed Gacal
– Sahra Xaaji Maxamed

Kursiga Seddaxaad waxaa ku tartamaya beesha Murudsade/Cabdala/Sabti, waxayna kala yihiin:-

– Maryan Cariif Qaasim
– Shamso Cumar Axmed

Kursiga Afaraad waxaa ku tartamaya beesha Wacdaan, waxayna kala yihiin:-

– Maryan Xaaji Cabdi Geedi
– Miski Xasan Shidane

error: Content is protected !!