Faah faahin:- Qarax aad u xoogan oo saakay ka dhacay agagaarka Isgoyska Ceel-gaabta ee degmada X/weyne

Waxaa faah faahin dheeraad ah kasoo baxaysaa qarax xoogan oo saakay ka dhacay agagaarka isgoyska Ceel-gaabta ee ku yaala degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo la sheegay inay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliyeed.

Qaraxaasi ayaa sida la sheegay ahaa miino lagu aasay goob ay gawaarida ku baaraan ciidanka booliska ee dowladda Soomaaliya oo ku taala kasoo horjeedka suuqa Bacadlaha weyn ee degmada X/weyne.

Ilaa 2 qof oo mid ka mid ah uu askari yahay ayaa ku geeriyooday qaraxaasi, waxaana sidoo kale ku dhaawacantay 8 qof kale oo u badnaa dad shacab ah.

Dadka dhaawaca soo gaaray ayaa islamarkiiba loola cararay xarumaha caafimaad ee magaalada Muqdisho, waxaana xilliga uu qaraxa dhacay kadib la maqlay rasaas ay rideen ciidankii qaraxa lala eegtay.

Ciidamada nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka oo goobta qaraxa ka dhacay soo gaaray ayaa baaritaano ka bilaabay goobtaasi, inkastoo baaritaankooda aysan wax kusoo qaban.

Ilaa iyo haatan lama oga cidda sida rasmiga ah uga dambeysay qaraxaasi, inkastoo qaraxyadda ceynkaan oo kale looga bartay inay geystaan Xarakada Al-shabaab oo weerar aan caadi ahayn kula jira xubnaha ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

error: Content is protected !!