Guddoomiyaha degmada Waaberi Xaawo-kiin Maxamuud oo xil ka qaadis lagu sameeyay (AKHRISO)

Wareegto kasoo baxday xafiiska wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Odawaa ayaa xilkii looga qaaday guddoomiyaha degmada Waaberi Xaawo-kiin Maxamuud Cali.

Isla wareegtadaasi ayaa waxaa xilka guddoomiyaha cusub ee degmada Waaberi loogu magacaabay Xuseen Axmed Culusow, kadib markii uu talo soo jeedin hore u sameeyay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yusuuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Xaawo-kiin ayaa la sheegayaa in sababta xilka looga qaaday ay salka ku hayso kadib markii ay dhawaan u tartantay xilka Aqalka hoose ee beesheeda balse looga guuleystay.

Go’aankaan xil ka qaadista ah ee lagu sameeyay Xaawo-kiin Maxamuud Cali ayaa noqonaya mid kasoo horjeeda go’aankii madaxweyne Xasan Sheekh uu ku joojiyay in xil ka qaadis iyo dalacsiin la sameeyo xilliga kala guurka ah ee uu dalka haatan ku jiro.

codsiga-gudoomiyaha

wareegto-odawaa

error: Content is protected !!