Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland Axmed Kismaayo oo xilka iska casilay

Guddoomiyihii guddiga doorashooyinka maamulka Puntland Axmed Maxamed Cali (Kismaayo) ayaa maanta ku dhawaaqay inuu iska casiley xilkii guddoomiyinimada iyo weliba xubinimada guddiga doorashooyinka Puntland.

Axmed Maxamed Cali (Axmed Kismaayo) oo barta uu Facebookgiisa ku leeyahay ayaa ku sheegay in warqadii uu isku casilay u gudbiyay madaxweynaha Puntland C/weli Gaas islamarkaana uu ka aqbaley is-casilaadiisa.

Sidoo kale, waxa uu Axmed Kismaayo iscasilaadiisa ku macneeyay mid isaga u gaar ah islamarkaana aanay wax lug ah ku lahayn arrimo kale oo suuqa la isla dhex wareegayo.

Arrinta iscasilaadiisa ee suuqa ku jirta ayaa ah inay tahay kadib  markii uu guddiga uu guddoomiyaha ka ahaa ay soo wajahday dhaqaalo darro kadibne ay xaaladu gaartay in xafiiskoodii uu noqdo koronto la’aan, taas oo uu ku sheegay mid aanay waxba ka jirin.

error: Content is protected !!