Khaliif Aw-cali oo ku dhawaaqay in maalinta Isniinta ah ay dib u balaaban doonaan doorashada Aqalka hoose

Khaliif Aw-cali oo ka mid ah guddiga doorashooyinka dadban ee Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ku dhawaaqay in maalinta Isniinta ay dib u bilaabayaan doorashada seddax xildhibaan oo u tartamaya Aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Khaliif Aw-cali ayaa sheegay inay haatan xareeyeen, ayna tababar u furayaan ergooyinka seddax beelood kasoo jeeda islamarkaana ukala codaynaya seddax murashax oo u tartamaya Aqalka hoose ee baarlamanka Soomaaliya

“Beelaha seddaxda ergo ee la xareeyay waxay kala yihiin beesha Majeerteen/Ugaadh Saleebaan, Beesha Majeerteen/ Biciidyan iyo Beesha Dhulbahante/Bah-hararsame” Sidaas waxaa yiri Khaliif Aw-cali oo ka mid ah guddiga¬†doorashada Puntland

Khaliif Aw-cali ayaa sidoo kale ka codsaday murashixiinta seddaxdaas beelood inay yimaadaan xafiiska guddiga doorashada oo ay iska diwaan-geliyaan, si ay u buuxiyaan shuruudaha looga baahan yahay.

Dhinac kale, Khaliif Aw-cali ayaa shirkiisa jaraa’id kaga hadlay inay jiraan caqabado dhinaca dhaqaalaha oo soo wajahay guddiga doorashada, taasi oo uu sheegay inaan weli la xalin, hakadna galisay doorashadda Aqalka hoose ee ka socotay magaalada Garoowe.

Khaliif Aw-cali ayaa sheegay hadii aan la xalin dhibaatadda caqabadaha dhinaca dhaqaalaha ee soo wajahaday guddiga, inay joojinayaan doorashada Aqalka hoose ee baarlamaanka.

“Runtii wax la xaliyay ma jirto, laakiin waxaa sheegi karaa oo kaliya in wadahadal socdo sidii loo xalili lahaa, haddii la xaliyo labadaas maalmood ee dooshadu socoto khayr, haddii waxaan noo qorshaysan inaanu joojino” ¬†Ayuu Khaliif Aw-cali hadalkiisa raaciyay

Hadalkaan kasoo baxay Khaliif Aw-Cali ayaa kusoo beegmaya xilli laba maalmood kahor magaaalada Garoowe uusoo gaaray xoghayaha guud ee guddiga doorashada heer federaal Maxamed Kaynaan, kaas oo wadahadalo halkaasi kula bilaabay guddiga doorashadda Puntland, kana wada hadlay sidii dib loogu bilaabi lahaa doorashadda islamarkaana loo dhameystiri lahaa codeynta xildhibaanada dhiman ee doorashada.

error: Content is protected !!