Magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo iyo Cadaado oo ay maanta ka bilawdeen doorashada Aqalka hoose

Waxaa maanta magaaalooyinka Baydhabo, Kismaayo iyo Cadaado dib u bilawday doorashooyinka xubnaha Aqalka hoose ee baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, taas oo maalmihii ugu dambeysay hakad gashay.

Ammaanka goobaha ay doorashooyinkaasi ka socdaan ayaa ah mid si weyn loo adkeeyay, waxaana goobahaasi ku sugan ciidamada ammaanka ee maamulada Koonfur Galbeed , Jubbaland iyo Galmudug, waxaana sidoo kale sugidda ammaanka goobahaasi ka qeyb qaadanaya ciidanka AMISOM.

Doorashadii Aqalka hoose ee ka socotay magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland ayaa maalmihii ugu dambeysay hakad la geliyay kadib markii sida la sheegay uu halkaasi dhacay musuq-maasuq baahsan, inkastoo doorashadaasi ay maanta halkaasi si habsami leh uga socoto.

Dhinaca kale, doorashada xubnaha Galmudug ee Aqalka hoose u matalaya waxay si habsami leh uga socotaa magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, waxaana saacadaha soo socdo la filayaa in lagu dhawaaqo xubnaha doorashadaasi kusoo baxay.

Waxaa sidaas si la mid ah ay doorashada uga socotaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, waxaana saacadaha soo socdo la filayaa in guud ahaan lagu dhawaaqo tirada xildhibaan ee kusoo baxay Aqalka hoose ee seddaxdaasi maamul u matali doonta baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!