Magacyada iyo qabiilada ay u dhasheen xildhibaanada Aqalka hoose ee maanta lagu doortay Cadaado

Waxaa maanta magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud dib uga bilawday doorashada xubnaha ku tartamaaya xildhibaanada Galmudug u matalaya Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.

Tartanka doorashada maanta ayaa waxaa ku tartamaayay ilaa 9 musharax, waxayna ergada wax dooranaysay ay doorteen ilaa seddax musharax oo ka mid ah noqon doonna xildhibaanada Galmudug u matali doonna Aqalka hoose ee baarlamaanka cusub.

Seddaxda xildhibaan ee maanta la doortay ayaa waxayna kala yihiin sida hoose ku xusan:-

1- C/weli Maxamed Qanyare (Murusade/Fool culus)
2- C/kariin Khaliif Cabdi Dhalac (Habargidir/Sacad)
3- Warsame Maxamed Xasan (Habargidir/Saruur)

Dhinaca kale, maalinta berri ayaa lagu wadaa in dib loo bilaabo qeybta kale ee xildhibaanada Galmudug u matalaya Aqalka hoose,  iyadoona ku dhawaad 15 xildhibaan ay weli harsan yihiin.

error: Content is protected !!