Guddoomiyaha maxkamada Sare oo si KMG ah xil ugu magacaabay Dr. Aweys Sheekh C/laahi Wehliye

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Soomaaliya Ibraahim Iidle Saleeban ayaa guddoomiye cusub oo ku-meel gaar ah u magacaabay maxkamadda gobolka Banaadir Dr. Aweys Sheekh C/laahi Wehliye.

Dhawaan ayuu guddoomiye Ibraahim Iidle Saleeban shaqo joojin ku sameeyay guddoomiyihii hore ee maxkamadda gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur, kaas oo uu kusoo eedeeyay howl gudasho la’aan.

Guddomiye Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa sidoo kale shaqo joojin ku sameeyay ku dhawaad 30 garsoorayaal oo ka tirsan maxkamadda gobolka Banaadir.

Arrintaasi ayaa waxaa qeylo dhaan badan ka keenay sharci yaqaano iyo shaqaalaha garsoorka, kuwaas oo ku doodaya inay sharci darro tahay talaabada uu ku kacayo guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka.

Guddoomiyaha maxkamada sare ee dalka Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa sheegay in talaabadda uu qaaday ay tahay mid uu kor ugu soo qaadayo shaqada iyo howlaha mudooyinkii dambe ku xayirmay maxkamada sare ee gobolka Banaadir inta uu guddoomiyaha ka ahaa Xaashi Cilmi Nuur.

Dhinaca kale, war-saxaafadeed uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud soo saaray 6-dii bishaan September ayuu ku sheegay inaan qofna xilka laga qaadi karin lana magacaabi karin, inta uu dalka ku jiro xilliga kala guurka ah.

error: Content is protected !!