Feysal Cali Waraabe oo sheegay in doorashada Soomaaliya ay dowlado shisheeye faragelin ku haayaan

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa shaaca ka qaaday in dowlado shisheeye ay faragelin baahsan ku haayaan doorashada ka socoto dalka Soomaaliya.

Eng. Feysal Cali Waraabe oo la hadlay mid ka mid ah idaacadaha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowlado shisheeye ay sida ay rabaan ka yeeshaan doorashada haatan ka soconaysa dalka Soomaaliya, islamarkaana dadka Soomaalida ah aysan waxba gacanta ugu jirin.

“Ma ahan doorashada kaliya waxa fara gelinta lagu haayo, waxa ka socdo dalka oo dhan baa fara gelin lagu haayaa, ma jiraan wax Soomaali gacanta ugu jirto, waxaa haatan la sameeyay shan maamul goboleed qabaa’il ku dhisan, hadane iyagii baa sidii labo dowladood loola macaamilayaa, oo reer galbeedka iyo meelaha kale tagaya” Sidaasi waxaa yiri Eng. Feysal Cali Waraabe.

Sidoo kale, Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in dowlado shisheeye aanay wadin dan Soomaali, balse ay indho taagayaan qeyraadka ku jira dalka.

Dhinaca kale, Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay haatan u baahan tahay hogaan daacad ah oo ka bixin kara dhibaatada ku habsatay, wuxuuna sidoo kale carabka ku dhuftay in hadii laheli lahaa hogaan daacad ah oo dhibta Soomaalida ka bixin kara aanay sidaan ahaan laheyn Soomaaliya.

“Hadii dowladaha shisheeye ay dan Soomaali ka shaqeyn lahaayeen, ma aysan ku talin lahayn in Soomaaliya laga dhiso dowlad goboleedyo oo qabaa’il ku dhisan, mana jiri laheyn in qeyraadka Soomaaliya la gurto, sidoo kale ma jiri laheyn in Kenya ay badda Soomaaliya muran geliso” Sidaasi waxaa markale yiri Eng. Feysal Cali Waraabe.

Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay siyaasiyiinta Soomaalida ah inay dhexdooda ku xalistaan qilaafka u dhaxeeya, islamarkaaana ay is-cafiyaan iskana iloobaan dhibaatadii soo jirtay 25-kii sano ee lasoo dhaafay.

Hadalkaan kasoo yeeray guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa kusoo beegmaya xilli ay magaalooyinka maamul goboleedyadda dalka ka soconayaan doorashada Aqalka hoose, islamarkaana ay soo baxayaan in musuq-maasuq iyo wax isdaba-marin baahsan lagu kacay goobaha ay doorashooyinkaasi ka socdaan.

error: Content is protected !!