Qarax uu ku dhintay sarkaal ka tirsanaa safaarada dalka Imaaraadka Carabta oo Muqdisho ka dhacay

Waxaa maanta qarax aad u xoogan uu ka dhacay agagaarka isgooyska Maanabooliyo ee degmada Shibis, kaas oo lala eegtay gaari ay saarnaayeen shaqaale ka tirsan safaaradda dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, iyadoona qaraxaasi uu ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxaasi ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan, wararka qaar ayaa sheegaya inuu ahaa miino lagu soo rakibay gaariga, halka warar kalena ay sheegayaan inuu ahaa Bam gacmeed gaarigaasi lagu tuuray.

Gaariga qaraxa lala eegtay ayaa la sheegayaa inay saarnaayeen seddax dhalinyaro oo ka shaqeeysa safaarada dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ay ku leedahay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Mid ka mid ah seddaxdaasi qof ayaa la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday qaraxa, waxaana sidoo kale dhaawacyo fudud soo gaaray labada qof kale ee saarnaa gaariga.

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo qaraxa kadib goobta soo gaaray ayaa halkaasi ka bilaabay baaritaano ku aadan sida ay wax u dhaceen.

Ma jirto cid ilaa iyo haatan baaritaankaasi lagu soo qabtay, waxaana weli kacsan xaalada goobtii uu qaraxa ka dhacay.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!