Guddiga doorashooyinka oo ku hanjabay inay talaabo adag ka qaadi doonaan kuraasta la musuq maasuqay

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka dadban ee Heer Federaal iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ayaa si wadajir ah usoo saaray war-saxaafadeed ay kaga hadlayeen musuq maasuq iyo adeegsi awoodeed oo dhacay intii ay socdeen doorashooyinka Aqalka hoose ee dalka.

Labadaasi guddi ayaa sheegay inay bilaabeen baaritaano lagu ogaanayo kuraasta la tuhmayo inay ka dhaceen musuq maasuq iyo adeegsiga awooda, waxa ayna sheegeen in hadii ay helaan caddeeymo arrinkaasi ku aadan uu guddiga go’aan adag ka gaari doono.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka kasoo baxay labada guddi

Guddiga Federaalka Hirgelinta doorashooyinka Dadban (FGHDD) iyo guddiga xallinta khilaafaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) oo si wadajir ah u qorsheynaya tallaabooyin isku dubbaridan oo wax looga qabanayo is dabamarin doorasho oo halis ah.

Guddiyada GFHDD iyo GXKHDD waxay hoosta ka xariiqayaan horumarka ilaa iyo hadda laga gaaray geeddi socodka doorashada ee 2016ka. Codaynta kuraasta aqalka hoose waxay ku dhowdahay gabagabo, waxaana qabsoomay doorashada qiyaastii in ka badan 40% boqolkiiba kuraasta golaha shacabka. Geedi socodka guud wuxuu ilaa iyo hadda u dhacay si nabadgelyo iyo kala dambayn leh, marka laga reebo dhacdooyin teel teel ah oo ka dhacay Jowhar, Baydhabo, Cadaado iyo Kismaayo.

Guddiyada GFHDD iyo GXKHDD waxay ka walaacsan yihiin eedeymo ku saabsan falal wax isdabamarin ah oo ka dhacay dhowr goobood ee doorashooyinka golaha shacabka oo dhowaan lagu qabtay gobollo kala duwan.

Eedeymahaas waxaa ka mid ah: hanjabaado iyo cagajuglayn loo geystay xubno ka tirsan guddiyada maaraynta doorashooyinka iyo musharrixii, isdaba marin lagu sameeyey liisas ergo iyo musharraxiin, ku takrifal hanta dowladeed (Waxaa ka mid ah adeegsiga xubno ka tirsan hay’adaha amniga) si looogu roonaado musharaxiin barlamaan qaarkood, loogana hormariyo kuwo kale, iyo adeegsiga hanta iyo awood ciidan oo gaar loo leeyahay si loogu cagajugleeyo loona quusiyo qaar ka mid ah musharixiinta iyo ergada.

Sidaasi darteed ayaa labada guddi waxay si dhaw uga wada shaqeyn doonaan in ay baaritaan buuxa oo wadajir ah ku sameeyaan eedeymahaan si loo ilaaliyo kalsoonida guud ee lagu qabo geedi socoka doorashada, iyagoo raacaya waajibaadkooda shaqo ee kala duwan.

Haddii baaritaannada socda lagu xaqiijiyo inay dhaceen wax isdabamarin halis ah, guddiyada GFHDD iyo GXKHDD waxay qaadi doonaan tallaabooyin adag oo ku haboon falalkaasi.

Tallaabooyinkaas, waxay noqon karaan in la laalo (ka baabi’iyo natiijooyinka doorasho iyo tartanka laga reebo musharraxiinta geysatay wax isdabamarin.

Waxaa labada guddi, walaac gaar ah ka muujiyaan in beelaha qaarkood aanay u hoggaansamin go’aannadii madasha hoggaanka Qaran (MHQ) ee ahayd in la hirgaliyo qoondada haweenka 30% iyado mid ka mid ah saddexdii kursiba ama kuraasta ay wadaagaan beeluhu loo asteynayo haweenka.

Xeerkan waa in lagu tixgeliyaa dhammaan doorashooyinka socda. Haddii sidaas la sameyn waayo, waxaa dhalanaysa in guddiyada GFHDD iyo GXKHDD ay tallaabo ka qaadaan beelaha aan raacin nidaamka qoondada, kuwa horay u sameeyay ama kuwa sidaas samayn doona doorashooyinka soo socda.

Guddiyadu, waxay mar kale ku celinayaan sida ay lagama maarmaanka u tahay in dhammaan dhinacyada ay kkuseyso arrinta doorashada inay u hoggaansamaan xeerarla iyo nidaamyada geedi socodka doorashooyinka 2016ka, sida ay qeexeen iskuna raaceen Madasha Hoggaanka Qaran (MHQ)

Cumar Maxamuud Cabdulle
Guddoomiyaha, GFHDD
C/risaaq Bare Jaamac
Guddoomiyaha, GXKHDD

error: Content is protected !!