DEG DEG:- Qarax aad u xoogan oo daqiiqado kahor ka dhacay Muqdisho iyo qasaare lixaad leh oo ka dhashay

Qarax aad u xoogan ayaa goodhaw ka dhacay nawaaxiga xerada ciidanka cirka Afisiyooni ee ku taalo degmada Waabari ee magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo haatan lama oga qaraxaan waxa uu ahaa, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu yahay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

waxaana haatan goobta uu qaraxa ka dhacay laga maqlayaa rasaas goos goos ah oo goobtaasi ka dhaceeysa.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa haatan laga maqlayaa rasaas goos goos ah, iyadoona sidoo kale goobtaasi ay gaareen gaadiidka gurmadka deg-dega ah ee loo yaqaano Ambaalaasta.

Dhaawacyo fara badan ayaa la sheegayaa in laga qaaday goobta uu qaraxa ka dhacay.

Xaaladda goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana daqiiqado kahor halkaasi gaaray ciidamo ka tirsan nabad sugidda qaranka, oo isku dayaya inay kala xakamaynaya xaaladda halkaasi oo aad u kacsan.

Sawirada iyo warkaan oo faah faahsan dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!