Faah faahin:- Burburka baahsan oo ka dhashay qaraxii maanta dhacay magaalada Muqdisho (SAWIRO)

Burbur aad u xoogan ayaa la sheegayaa inuu geystay qarax gaari loo adeegsaday oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel ku dhaw Suuqa Beerta ee degmada Waaberi, halkaas oo ah goob ay ku ganacsadaan dad aad u badan.

Gaariga qarxay ayaa la sheegayaa inuu ahaa mid laga soo buuxiyay walxaha qarxa islamarkaana lasoo dhigay Suuqa Beerta, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyootay in ka badan 15 qof, iyadoona 35 kale ay ku dhaawacantay.

Dadka waxyeelada kasoo gaartay qaraxaasi ayaa sida la sheegay isugu jiray askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya, iyo dad shacab ah oo ka mid ahaa dadka ka shaqeeysta Suuqa Beerta ee degmada Waaberi.

Jugta qaraxaasi ayaa maanta laga wada maqlay inta badan magaalada Muqdisho, waxaana qaraxaasi la sheegay inuu ahaa mid qiif/uuro aad u xoogan bixiyay, waxaana halmar suuqa uu qaraxa ka dhacay isqabsaday buuq iyo isdhex yaac.

Gawaarida gurmadka deg-dega ah ayaa maanta dhaawacyo iyo meydad badan ka daabulay goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana sidoo kale la sheegay in ciidanka ammaanka ay gacanta ku dhigeen ninkii ka dambeeyay qaraxaasi islamarkaana ay haatan su’aalo weydiinayaan.

Ciidanka ammaanka ayaa sidoo kale la wareegay gacan ku haynta guud ahaan garaashkii marka hore laga soo abaabulay gaariga lagu qarxiyay suuqa Beerta ee degmada Waaberi.

Ugu dambeyntii, qaraxaan ayaa kusoo beegmaya xilli madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu maanta ku sugnaa xarun aan sidaasi uga fogeyn goobta uu qaraxa ka dhacay oo ku taalo wadada 21 October ee magaalada Muqdisho.

Qarax ka dhacay suuqa Beerta ee degmada WaaberiQarax ka dhacay suuqa Beerta ee degmada WaaberiQarax ka dhacay suuqa Beerta ee degmada WaaberiQarax ka dhacay suuqa Beerta ee degmada Waaberisuuqa-beerta-muqdisho-05 suuqa-beerta-muqdisho-06 suuqa-beerta-muqdisho-07

error: Content is protected !!