Galmudug oo dalbatay in badal lagu sameeyo wakiilka guddiga khilaafaadka ee magaalada Cadaado

War-saxaafadeed oo kasoo baxay maamulka Galmudug ayaa waxaa eedeyn culus loogu jeediyay wakiilka guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee ku sugan magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Eedeyntaasi ayaa ah in wakiilka guddiga xalinta khilaafaadka uu ka shaqeeynayo arrimo dhibaato u horseedi kara doorashada iyo shacabka ku nool magaalada Cadaado.

Waxaa war-saxaafadeedka looga dalbaday guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka inuu badal ku sameeyo wakiilka guddigaasi ugu magacaaban magaalada Cadaado, si looga dheeraado in xasilooni darro halkaasi ka dhacaan.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Galmudug:-

galmudug-warsaxaafadeed

error: Content is protected !!