Ninkii ka dambeeyay qaraxii Suuqa Beerta iyo niman kale oo lagu soo bandhigay Muqdisho (SAWIRO)

Hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka ayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya kusoo bandhigtay muuqaalka ninkii ka dambeeyay qaraxii shalay ka dhacay suuqa Beerta ee degmada Waaberi.

Ninkaan oo ay maalintii shalay qabteen ciidamada nabad-sugidda qaranka ayaa sida la sheegay ka dambeeyay qaraxii ay ku dhamaadeen dadka badan ee ka dhacay Suuqa Beerta, waxaana la qabtay xilli uu isku dayayay inuu goobtaasi ka baxsado.

Sidoo kale, ciidanka nabad-sugidda ayaa gebi ahaan la wareegay garaashkii lagu soo diyaariyay gaarigii shalay lagu qarxiyay Suuqa Beerta, iyadoona sidoo kale gacanta ku dhigay raggii ka shaqeeynayay garaashkaas.

Ciidanka nabad-sugidda ayaa la sheegayaa inay dadkaasi wareysi iyo baaritaano ku haayaan, waxaana la filayaa in waqtiyada soo aadan war-cad ah ay kasoo saaraan baaritaanadaas.

nimankii-ka-dambeeyay-qaraxa-suuqa-beerta nimankii-ka-dambeeyay-qaraxa-suuqa-beerta-1 nimankii-ka-dambeeyay-qaraxa-suuqa-beerta-2garaashka-qaraxa-lagu-diyaariyay

error: Content is protected !!