Puntland oo sheegtay inay hakineyso doorashooyinka Aqalka hoose ee halkaasi ka socda

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntand C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ku hanjabay in gebi ahaan la joojin doono doorashooyinka ka socda deegaanada Puntland hadii Somaliland xubin loogu darro qoondadii Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in la hakin doono doorashadii Aqalka hoose ee ka socotay Puntland, hadii laga dhabeeyo qoraal uu dhawaan soo saaray guddomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari)

Qoraalka uusoo saaray guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa ahaa in Somaliland tiro kordhin loogu sameyn doonno xubnaha Aqalka sare u matalaya baarlamaanka Soomaaliya.

War-saxaafadeedka uusoo saaray madaxweyne Gaas ayaa u qornaa sidatan:-

hanjabaad_gaas

error: Content is protected !!