DEG DEG:- Axmed Fiqi oo ku guuleystay kursiga Galmudug ee Aqalka hoose baarlamaanka Soomaaliya

Wararka haatan ka imaanaya magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Axmed Macalin Fiqi uu ku guuleystay kuriga xildhibaanimo ee deegaanada Galmudug uga mid noqonaya Aqalka hoose ee baarlamaanka cusub ee federaalka Soomaaliya.

Axmed Macalin Fiqi ayaa la sheegayaa inuu maanta doorashada kula tartamaayay Iimaan Jaamac Yuusuf, kadib markii tartankii ay isaga hareen labada musharax kale.

Labada musharax kale ee tartanka isaga haray ayaa kala ahaa Axmed Ducaale Xaaf iyo C/salaan Xaaji Axmed Dhabancad, kuwaas oo ilaa iyo haatan aan la ogeyn sababta keentay inay isaga haraan tartanka.

Axmed Macalin Fiqi ayaa helay codad gaaraya 45 cod, halka Imaan Jaamac Yuusuf oo ahaa musharaxa kale ee isaga la tartamaayay uu helay 3 cod oo kaliya.

Labadaasi musharax ayaa ku tartamaayay kursiga Beesha Sacad/Cabdalle, waxaana lagu wadaa in Axmed Macalin uu ka mid noqdo xildhibaanada deegaanada Galmudug uga mid noqonaya Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashada kuraasta kale ayaa weli ka soconaysa magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, waxaana la filayaa in saacadaha soo socdo ay soo gaba-gaboowdo.

error: Content is protected !!