Waxaa goordhow xarunta Xalane ee magaaada Muqdisho ka furmay kulan deg deg ah oo looga hadlaayo arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya, kaas oo in badan dib u dhac uu ku yimid.
Kulankaan oo ay saxaafaddu dibad-joog ka tahay ayaa haatan lagu gorfeeynayaa sidii loo dhameystiri lahaa xildhibaanada harsan ee Aqalada sare iyo hoose ee baarlamaanka cusub Soomaaliya.
Waxaa kulankaan ka qeyb-galaya mas’uuliyiin uu ka mid yahay guddoomiha baarlamanka federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating.
Sidoo kale, kulankaan ayaa waxaa looga hadlayaa dib u dhaca ku yimid doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo la filaayay inay qabsoonto 30-ka bishaan November, balse ay haatan u muuqato mid dib u dhacday.
Kulanka kadib ayaa la filayaa inay mas’uuliyiintaasi saxaafadda uga warbixiyaan waxyaabihii looga hadlay iyo go’aanadda kasoo baxay kulanka.
Dhawaan ayay aheyd markii Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating uu shaaciyay in doorashada madaxtinimada dalka laga yaabo inay dhacdo 15-ka bisha soo socoto ee December.
Michael Keating ayaa xilligaasi rajo xumo ka muujiyay inay doorashada ku qabsoonto xilligii hore loogu balammay oo ahayd 30-ka bishaan aynu ku jirno oo muddo labo cisho kaliya ay ka harsan tahay.
Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah.