Wasiir Maareeye oo lagu soo eedeeyay inuu faragelin ku sameeyay nidaamkii u degsanaa doorashada

Wasiirka warfaafinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa lagu soo eedeeyay inuu ku kacay fal musuq maasuq ah, kadib markii uu qortay ergo kasoo jeeda beeshiisa, si ay markale isaga dib usoo doortaan.

Sidoo kale, wasiir Maareeye ayaa lagu eedeeyay inuu garab maray shuruucda u degsan doorashada dalka Soomaaliya islamarkaana uu ka faa’ideysanayo xanuun soo wajahay suldaanka beeshiisa oo haatan ku jira isbitaal ku yaala magaalada Muqdisho.

Suldaan Maxamed Jaamac oo ah suldaanka beesha uu kasoo jeedo wasiir Maareeye ayaa haatan ku xanuunsanaya isbitaal ku yaala magaalada Muqdisho, wuxuuna suldaanka ka mid yahay salaadiinta kasoo jeeda deegaanada gobolada waqooyi ee dalka Soomaaliya.

Suldaan Maxamed Jaamac ayaa sheegay in guddiga doorashada dadban ee dalka iyo kuwa heer federaal ay u gudbiyeen dacwad ka dhan ah wasiir Maareeye.

Wasiir Maareeye ayaa la sheegayaa inuu qortay ergo uu isaga wato,  si ay markale isaga dib usoo doortaan, waxana arrintaasi lagu tilmaamay inay tahay faragelin uu ku sameeyay nidaamkii u degsanaa doorashada dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, wasiir Maareeye ayaa la sheegayaa inuu kursiga xildhibaanimo kula tartamayo Najiib Yuusuf Cismaan, oo taageero ka heysta suldaanka, waxaana loolankaan uu salka ku haayaa ololaha doorashada xilka madaxweynaha ee u dhaxeeya Xasan Sheekh iyo Cumar C/rashiid.

Ma ahan mas’uulkii ugu horeeyay oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo lagu soo eedeeyo inuu faragelin ku sameeynayo nidaamka u degsan doorashada dalka, iyadoona hore ay u jireen kuraas badan oo ay musuq-maasuqeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, kadib markii ay sameeyeen wax isdaba marin baahsan.

error: Content is protected !!