Banaanbax ka socdo Muqdisho iyo wareysi aynu la yeelanay dadka banaanbaxa dhigaya (DHAGEEYSO)

Banaanbax aad u balaaran oo ay dhigayaan darawalada gadiidleyda ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa maanta ka soconaya qeybaha kala duwan ee magaalada.

Gaadiidleydaasi ayaa ka cabanayay lacago ceymis aad u fara badan oo dhawaan lagu soo rogay.

Qaar ka mid ah darawalada gaadiidka dadweynaha ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa warbaahinta Bulshoweyn u sheegay inay ka cabanayaan shirkada Takaful oo ay sheegeen inay heshiis la gashay dowladda federaalka Soomaaliya.

Shirkada Takaful ayaa ah shirka gaar loo leeyahay islamarkaana bixisa Caymiska, waxaana la sheegayaa in gaadiidleydaasi ay kusoo rogtay lacago badan.

Lacagaha dadkaasi ay ka cabanayaan ayaa ah inay bishii bixiyaan lacag Caymis ah oo dhan $62.5, taas oo usii dheer lacago kale oo seddaxdii bilood markiiba bixiyaan.

Gaadiidka BL-ka ee ka shaqeeya magaalada Muqdisho ayaa maanta hakad ku jira, waxaana dhinaca kale dadka shacabka ah maanta lagu arkayaa wadooyinka iyagoo lugeynaya.

Dhinaca kale, gaadiidka kaliya ee maanta magaalada Muqdisho ka shaqeeynaya ayaa ah mootooyinka loo yaqaano Bajaajka, waxaana la dareemayaa in qiimaha lagu raaco mootooyinkaasi uu ku yimid sarakac aad u baahsan.

Lama oga sida ay dowladda Soomaaliya ku xakamayn doonto cabashada kasoo yeereyso gaadiidleyda Muqdisho, mana jirto cid dowladda ka tirsan oo ilaa iyo haatan cabashooyinka gaadiidleyda wax ka qabatay.

error: Content is protected !!