Faah faahin:- Nin nabadoon caan ah oo maanta lagu dilay xaafadda Carafaad ee degmada Yaaqshid

Waxaa maanta degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafada Carafaad lagu dilay nin Nabadoon ahaa oo si weyn looga yaqaanay degmadaasi, waxaana dilkan fuliyay kooxo hubeesan oon wali heybtooda la garan.

Nabadoonkaan la dilay oo magaciisa lagu sheegay Nabadoon Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Koreey) ayaa waxaa dilkiisa ka dambeysay seddax nin oo la sheegay inay ku hubeysnaayeen bistoolado.

Qaar ka mid ah dadkii ku sugnaa goobta lagu dilay nabadoonka ayaa sheegay in kooxahaasi hubeysan ay dhowr xabad ku dhufteen nabadoon Cabdi Koreey xilli uu fadhiyay goob lagu shaaho.

Nabadoonka la dilay ayaa la sheegayaa inuu dhawaan kasoo laabtay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay weli ka soconayaan doorashada xildhibaanada Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.

Goobta uu dilka ka dhacay waxaa islamakiiba soo gaaray ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya, waxayna halkaasi ka sameeyeen howlgalo baaritaano ah.

Ma jirto cid ilaa iyo hadda loosoo qabtay dilka nabadoon Cabdi Koreey, wuxuuna dilkaan qeyb ka yahay dilalka kala duwan oo magaalada Muqdisho loogu geysto waxgaradka iyo nabadoonada caan ka ah bulshada dhexdeeda.

Dilalkaasi ayaa inta badan fuliya kooxo hubeysan oo aan la garanayn sababaha ay u dilayaan dadkaasi, waxayna goobta isaga cararaan kadib markii ay dilka ku fuliyaan dadka bartimaamoodkooda yahay.

error: Content is protected !!